Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Ingiriiska oo xoojineysa Taageerada ay siiso Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan,wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay Guulo ay gaareen ciidanka milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Xudur (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---