Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigayay Adeegyo cusub oo ay Shirkadu u soo kordhisay Macaamiisheeda.
Maamulka Shirkada ayaa munaasabada kusoo bandhigay adeegyo badan oo bulshada Soomaaliyeed usoo kordhisay shirkada, waxaana soo dhaweeyay adeegyada shirkada soo bandhigtay bulshadii munaasabada kasoo qeyb gashay.
Waxa ay sheegeen Maamulka Shirkadada Somtel in Buslahada Soomaaliyeed ay aad ugu diirsan doonaan Adeegyadan cusub ee ay Shirkada soo kordhisay kuwaasi oo ka Turjumaya Baahidooda Isgaarsiineed.