Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka farxiyey shacabka degaanka Dangoronyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo saakay lagu qaaday xarun uu lahaa C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare

Cabdi Cade

Burcad dhac ka geysan jirtay xaafado ka tirsan Muqdisho oo caawa la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Digniin laga bixiyay Weerar culus oo ay qorsheeyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---