Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda KMG ayaa ansixiyay Xisaab xirka miisaaniyadii 2017-dii oo aheyd miisaaniyadii ugu horeesay ee dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaa horgeesay Xildhibaanada golaha shacabka xisaab xirka miisaaniyadii 2017-dii oo horey Xildhibaanada Golaha shacabka dib u celiyeen.
Dood ay Xildhibaanada ka yeesheen xisaab xirka miisaaniyadii 2017-dii kadib ayaa waxaa ansixiyay xisaab xirkaasi 128 Xildhibaan, halka 8 Xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan.
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa horey dood kulul uga keenay miisaaniyada dowlada ee sanadkii 2017-dii oo aheyd 245, 566,045 , waxa ayna Xildhibaanada sheegeen in si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada ayna jiraan qaladaad badan.
Ansixinta miisaaniyadii 2017-dii ee dowlada ayaa kusoo aadeysa xili Khamiistii golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyeen miisaaniyada dowlada ee sanadka 2020-ka oo gaareysa $459.5 Milyan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com