Xeer Ilaalinta maamulka Puntland ayaa qoraal ay u direen Gudoonka Golaha Wakiilada Puntland waxa ay ugu cadeeyeen in ay ka laabteen dalabkoodii hore ee ahaa in xasaanada laga qaado lana Maxkamadeeyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad.
Qoraal ay soo saareen Xeer ilaalinta Puntland ayey ku sheegeen in ay tixgaliyeen heshiiskii dhax maray Xildhibaanada katirsan Puntland iyo Madaxweyne Saciid Deni laguna heshiiyay in kiiska dib looga noqdo.
Go’aankan cusub ee kasoo baxay Xeer ilaalinta Puntland ayaa kusoo aadaya, kadib markii uu raali galin bixiyay Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo Su’aalo ka careesiiyay Madaxweyne Deni weediiyay, waxaana Deni uu aqbalay raali galinta Xildhibaanka.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Xeer Ilaalinta Puntland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com