Allbanaadir.com
NEWS

Maxaad ka taqaan Taariikhda fog uu leeyahay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose 7 December 1945. Jawaari waa siyaasi iyo qareen ku xeeldheer Sharciga. Kadib markii uu ka qalin jabiyey dugsiga sare, waxa uu shahaadada sarre ka qaatay kuliyadda sharciga 1982 Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isaga oo kahor heystay Diploma macalinimo oo luqadda English-ka ah iyo Sharciga islaamka, Ka sokow afka Soomaaliga Jawaari ayaa awood u leh ku hadalka luqadaha Arabic, Italian, English iyo Norwegian.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kale duwan oo isugu jira xildhibaan, agaasime guud, xog-haye joogta ah iyo wasiirba kasoo qabtay dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya, laba jeer ayuu kasoo dhex muuqday golihii wasiirada sida wasiirka Gaadiidka, Dhulka & Cirka iyo Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada, Mar waxa uu soo noqday Xog-haya joogtada iyo madaxa shaqaalaha, rayidka ee dowladdii Jamhuuriyada dimoqraadiga Soomaaliyeed,

????????????????????????????????????

Sanadkii 1970 waxa uu gudoomiye ka soo noqday koox diyaarisey Sharciga shaqada ee dalka Soomaaliya – Sharcigan ayaa looga gol-lahaa dib u habaynta, meelaynta shaqaalaha iyo qiimaynta xirfadleyda. Gudigaan ayaana xeerka sharciga shaqaalaha Soomaaliya waafajiyey sharciga Xaquuqda shaqaalaha ee heer caalami.

Kadib bilowgii dagaalka sokeeye 1991 Jawaari wuxuu u guuray Norway. Mar dambe ayuu kusoo laabtay Soomaaliya 2000, Waxa uu madax u noqday Golaha shuurada ururka muslimka Turnham, xubin golaha wadahadalka diimaha muslimka iyo kirishtanka, xubin maamulka sare ee fulinta Ururka qareenada socdaalka adduunka ee Norway.

Sanadkii 2008 waxaa loo magacaabay la taliye sare oo katirsan UNDP Soomaaliya, mashruuc lagu taageerayey Dastuur-samaynta Soomaaliya, wuxuu door muhiim ah ka qaatay kobcinta iyo awood-dhisidda Gudiga madaxa-bannaan ee Dastuurka Federaalka (IFCC) ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG) Axdiga KMG ah (TFC), wuxuu gudigu u xilsaaray in uu soo qoro dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu gacan ka geystay nuxurka dastuurka la tashiga dadweynaha, intii lagu guda jiray wuxuu fursad u helay inuu la shaqeeyo Hay’adaha QM iyo kuwa kale oo caalami ah, sida NDI, Inter-peace, MPLI & AWEPA. Bishii September 2011 iyo 2012 wuxuu noqday Gudoomiyaha Gudiga Khuburada (COE) ee dib u eegay dastuurka (CDC), kadibna soo saaray nuqulkii ugu horreeyey dastuurka qabyada ah July 2012.

20 Augusto 2012 waxa uu noqday xildhibaan golaha shacabka, halka 28 Augusto loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mar kale ayaa loo doortay isla jagadaasi Jan 2017, Jawaari ayaa iska casilay xilka gudoominimada baarlamaanka ee Aqalka Hoose bishii April 2018 kadib markii Motion kalsooni kala noqosho ah ay ka keeneen xubno katirsan Aqalkaasi. Mudane Jawaari ayaa lagu sifeeyaa aqoonyahan ku xeeldheer sharciga, hadal-yar, dul-qaad badan, kaftankiisu asluubeysan yahay , xishood badan lehna xiriira badan.

 

W/Q: Maxamed Sheekh Yusuf (Baari)

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Aadanaha Soomaaliya (ISHUS)

Kala xiriir fariin danabeed: Baariga123@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wafdi ka socda dowlada Qatar oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maraakiib laga leeyahay Sacuudiga oo lagu Weeraray Xeebaha Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---