Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtarad Hindi ah oo ku xeel dheer Cudurada Haweenka iyo Qaliinada oo imaanaysa Isbitaalka Kalkaal 

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku war galinaya in Isbitaal imaanayso kana howl galayso Dhaqtarad u dhalatay dalka Hindiya oo ku takhasusay Daaweynta cudurada ku dhaca Haweenka iyo qaliinadooda.

Dr THENMOZHI MS oo ka howlgasha Isbitaalo kuyaala Hindiya ayaa  Muqdisho u imaanaysa sidii uu haweenka Soomaaliyeed uga daweyn laheyd dhalmo la’aanta, qaliinada burooyinka minka gala ,furista tubooyinka ugxaanta qaada iyo cuduro kale.

Dhaqtarada ayaa imaanasya kana howlgalaya Isbitaalka Kalkaal 10-bisha November ilaa 15-ka bisha , waxa ayna dhaqtada inta ay joogto Isbitaalka ay sameyn doontaa daaweyn iyo qaliino kala duwan oo cudurada haweenka ah .

Cudurada oo Dhaqtarada Daaweyn doonto waxaa kamid ah

1-La Tacaasilada Dhalmo la’aanta Dumar

2-Qaliinka burooyinka minka gala

3-Furista tubooyinka ugxaanta qaada

4-Qaliinada Buro biyoodka

5-La tacaalida Dhiciska iyo waxyaabaha keena

Dhamaan qaliinada uu sameenayo Isbitaalka Kalkaal ayaa loo adeegsan doonaa hab lesar oo casri ah, waxaana dadweynaha Soomaaliya lagu wargalinayaa in ay ka faa’iideestaan dhaqtaradan dalkooda hooyo loogu keenay.

 

Waxii Faah faahin ah kala xiriir

Tell:0617633661 ama 0617633662

Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoghayihii Guud ee guddiga doorashada federaalka oo xilkii laga qaaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Muxuu Laftagareen ka dalbaday Xildhibaannada laga soo doortay K/Galbeed?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---