Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo ku baaqay in laga hortago in Shiinaha uu qabsado Dunida

Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa u dhaxeeya dagaal ganacsi iyo mid afka ah, waxaana labada dowladooda mudooyinkii dambe xiriirkooda uu noqonayay mid sii xumaanayay.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa uga sii daray xiisada labada dal u dhaxeysa, waxa uuna ka dhawaajiyay hadalo aysan jecleysan xisbiga Shuuciga ee maamula Shiinaha.

Mike Pompeo oo sheegay in Xukuumada Beijing ay isku dayeyso inay dunida qabsato, waxa uuna ku baaqay in laga hortago in Shiinaha uu qabsado Dunida isagoo cadeeyay in qataro ka imaan karaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka ay muddo ixtiraamayeen saaxiibtinimada dadka Shiinaha, hase yeeshee dowladda Shuuciga ah ee dalkaas aysan la mid ahayn shacabka.

“Waxay raadinayaan oo ay adeegsanayaan hab kasta oo caqabad ku ah Mareykanka, waxaana dunida oo dhan, innaga oo isku duuban, nalaga doonayaa inaan ka hortagno caqabadahan nooga soo wajahan Shiinaha,” ayuu yiri Mike Pompeo.

Hadalkan kasoo yeeray dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili Xukuumada Trump shaacisay in wejigii koowaad ee heshiis lagu soo geba-gebeynayo dagaalka ganacsi uu la saxiixanayo Shiinaha bisha soo socota ee November.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia Oo go’aan kasoo saartay Ajaaniibta dalka kusoo qul qulaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo codsi xasaasi ah u diray Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo war culus ka soo saartay Khilaafka DF & Jubaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---