Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Sabab u ahaa Dhimashada Xaaskiisa oo dacwad laga gudbiyay !!

Gabar 21-sano jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa is dishay kadib markii lagu caayay midabkeeda madowga ah, waxaana dadka gabadhaasi midabkeeda ku cunsuriyeeyay kamid ah seygeeda.

Ciidamada booliiska gobolka Rajasthan ee dalka Hindiya ayaa diiwaan galiyay kiis dacwadeed ku aadan dhimashada haweeneydan midabkeeda madow darteed nolosheeda isku dhaafisay.

Aabaha dhalay gabadha is dishay ayaa booliiska u gudbiyay dacwad ka dhan ah ninkii qabay gabadha geeriyootay, waxa uuna aabaha sheegay in dhimashada gabadhiisa in uu sabab u ahaa ninkeeda uu sheegay in midabkeeda madow uu ku bahdili jiray.

Ciidamada booliiska ayaan wali soo xirin ninka lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa geerida xaaskiisa, waxaana ninkan la sheegay in mar kasta xaaskiisa ku ceyn jiray midabka madow ee dabiiciga ah.

Dadka u dhashay Hindiya ayaa aaminsan in Midabka cadaanka ah uu ka wanaagsan yahay midabka madow , waxaana inta badan la cunsuriyeeyaa ama fool xumo lagu tilmaamaa dadka madowga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee maanta looga ciiday magaalooyinka Garowe & Boosaaso ee degaanada Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo maanta u ambabaxaya safar dibada ah

Caydiid Ali

Ra’isul Xamse oo dalka dibadiisa u safray iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---