Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadajir ee degmada Qardho oo la saaray Laami, Wadada oo dhererkeedu yahay 500M waxaa hirgelisay Dowladda Hoose ee Qardho waxayna qeyb ka tahay Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland.
Madaxweyne Deni wuxuu balan qaaday dhismaha Wadada isku xirta Hotel Gufure iyo Suuqa-weyn ee Qardho, taasoo dhererkeedu yahay 200m.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, oo noqonaysa xarun lagu lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu bogaadiyey in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu qeybteeda ka qaadanayso si loo hirgeliyo xaruntan.
Xafladda Dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabanacad, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Guddiga u qareemida dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com