Iyadoo dalka meelo badan oo ka mid ah ay ka jiraan fatahaado iyo daadad ka soo rogmaday roobab sababay dhimasho iyo barakac balaaran ayaa siyaasiyiinta mucaaradka waxaa lagu dhaliilay iney dhaliileen gargaarka ay dowladu balan-qaaday iyagoo halkaas ka raadinaya dhibco siyaasadeed.
Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Max’uud oo maanta ka hadlayey munaasabad looga dhawaaqayey hogaanka cusub ee madasha xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowlada iney taalooyin ku dhistay malaayiin dollar balse ay heli weysay dhaqaale lagu taageero dadka fatahaaduhu saameeyeen.
“Dowladdu Malaayiin Dollar taalooyin bey ku dhisi kartaa waana soo heli karta, laakiin dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex jiifa qaarkood ku dhinteen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno bey leedahay” ayuu yiri Xasan Shiikh oo qaab siyaasadeed uga faa’iideysanaya dadka ku dhibaateysan fatahaadaha ka jira dalka qeyb ka mid ah.
Siyaasiyiinta mucaaradka waxay magaalada Muqdisho ku qabsadeen saacadihii ugu dambeeyey shirar siyaasadeed iyagoo hadlayey doorasho iwm, xili dad badani dhinteen, kumanaan kalena daadsan yihiin meelo banaan iyagoo aan heysan hoy, raashiin iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha, misana waxay leeyihiin dowladu dhaqaale badan kuma bixin dadkeeda dhibaateysan, iyagu xagey naxariista ka aaday? Maxay u sheegi waayeen hal dolar oo ay ku tabaruceen hadii ay ka naxayaan dhibaatada shacabkooda?
Dowlada awoodeeda dhaqaale waa la og-yahay madaxdii horena cid uga xog ogaalsan ma jirto, maadaama dalku galay xaalad deg deg ah oo bani’aadamnimo, ma’aheyn iney siyaasadeeyaan dadka fatahaadaha ku barakacay, waxaa u fiicnaan laheyd mucaaradku iney dowladooda is garab taagaan wixii ay la qaban-qaban karaana la qabtaan, maadaama aan la joogin xili la is eedeeyo, arrimaha gargaarka iyo siyaasadana aysan shaqo isku laheyn, waa nasiib daro iney dhibco siyaasadeed ka raadiyaan dad noloshoodu ay halis ku jirto.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa looga bartay iney si aan ka fiirsasho laheyn iskaga weeraraan madaxda dowlada, iyagoo ku eedeeynaya arrimo mararka qaarkood iyaga dib ugu soo laabanaya, taasoo lagu tilmaamay khibrad yari siyaasadeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shaacisay iney $500,000 (SHAN BOQOL OO KUN OO DOLLAR) ugu yaboohday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ayadoo sidoo kalena ay Madaxda Sare ee Dalka mushaarkooda bishan October ugu deeqeen walaalaha ay masiibadu saameysay.
Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa iyana la filayaa in shirkooda Khamiislaha ah ee berri ay kasoo saaraan taageerro hor leh oo lala gaaro walaalaha Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.
Hassan Cali Tooxow, Muqdisho
tohow11@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com