Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Kalkaal Hospital Foundation oo baaris lacag la’aan u sameesay Arday Agoon ah

Hay’ada Khayriga ah  ee Kalkaal Hospital Foundation ayaa baaris iyo Talaalka Hepititis B   si lacag la’aan ah ugu  sameysay  ardayda Agoonta ah ee ku xaraysan Iskuulada Axmed Guray ,  Maxamuud Xarbi ,iyo Qaybaha  Markasyada  Al-salaam iyo Daarul-Hudaa .

Ardayda agoonta ah ee loo sameeyay baarista iyo Talaalka lacag la’aanta ah ayaa tiradoodu gaareysay 300 oo arday, waxa ayna ka faa’iideesteen qeybta 1-aad talaalkan oo ahaa mid bilaash ah.

Dr Abdulkadir Farah Mohamoud (Dr Haji) oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Kheyriga ah  ee Kalkaal Hospital Foundation ayaa sheegay in talaalkan iyo baarista lacag la’aanta ah ugu tala galeen ardayda agoonta ah ee ku xareesan iskuuladan kuyaala Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay’ada Kheyriga ah  ee Kalkaal Hospital Foundation  ayaa balan qaaday in si lacag la’aan ah ardayda Agoonta  ah ay  u dhamaystiri doonaan qeybta  Talaalka 2aad iyo 3aad ee Hepititis B.

Hay’ada Kheyriga ah  ee Kalkaal Hospital Foundation ayaa horey qaliin lacag la’aan ah ah ugu sameysay boqolaal caruur ah oo faruurnaa, waxa ayna Hay’adan u taagan tahay caawinta dadka masaakiinta ah aan awoodin baaritaanada iyo daaweynta ,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ashtako ka dhan ah dowlada Imaaraadka u gudbisay Golaha ammaanka ee QM (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Askar ay ku qabteen dagaalkii Sanguuni

Cabdi Cade

Shirkad Diyaaradeed oo Madaxdeeda ku amartay in Boorsooyinka Rakaabka qaadaan !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---