Allbanaadir.com
NEWS

Shacab iska wareejiyay Dhagxaan lagu xiray Wadooyin kuyaala Muqdisho (Daawo Sawiro)

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhagxaan lagu jaray wadooyin kuyaala xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid, waxaana dadka xaafadahaasi ku dhaqan saakay kusoo tooseen wadooyinkii ay mari jireen oo dhagxaan lagu jaray.

Wadooyinka dhagxaanta lagu jaray ayaa ah jid cadayaal kuyaala dhoowr xaafadood, waxaana looga gun leeyahay in jidadkaasi aysan marin gaadiidka kala duwan iyo sidoo kale mootooyinka.

Xaafadaha dhagxaanta lagu jaray waxaa isugu soo baxay qaar kamid ah dadkii degnaa iyo sidoo kale darawalada mooto bajaajta, waxa ayna dadkaasi bilaabeen in gacmahooda wadooyinka uga leexiyaan dhagxaanta lagu jaray.

Dadka qaar ayaa sidoo kale dhigay banaan bax ay uga soo horjeedeen wadooyinkan dhagxaanta lagu jaray, waxa ayna ku qeylinayeen ereyo ay kamid ahaayeen ”dooni meyno jid xirte” iyo ereyo kale.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa tagay xaafadaha ay ka dhaceen banaan baxyada iyo sidoo kale wadooyinka laga qaaday dhagxaanta, waxaana la sheegay in wadooyinka qaar wali dhagxaan ku xiran yihiin halka kuwa kalana ay dadku iyagu furteen.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato badan ku qaba wadooyinka dhagxaanta lagu xirtay iyo sidoo kale wadooyinka kale ay xirteen ciidamada amaanka una diidaan in gaadiidka dadweynaha ay wadooyinkaasi maraan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Joe Biden oo ka xumaaday Xasaanadii la siiyay Donald Trump

Cabdi Cade

Hub loogu tala galay Maamulka Galmudug oo loo weeciyay Gedo iyo Ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---