Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari” Waxaan arkay Cudud sheegasho mana ogolaan karin in dartey dhiig u daato”

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta Xildhibaanada golaha Shacabka u jeediyay khudbad dheer uu uga hadlayay is casilaadiisa iyo waxyaabihii ku kalifay.

Jawaari oo hadal qiimo badan jeediyay ayaa is casilaadiisa ku micneeyay arimo dhoor ah ay ugu horeysay in uu bad baadinayay sharafta Golaha Shacabka sidoo kale diidanaa in dartiis la isku qab qabsado dhibaatana ay ka dhalato.

Waxa uu sheegay Jawaari in ay u muuqatay saan saan sababari karay in golaha shacabka uu bur buro, waxa uuna xusay in uu u istaagay jiraanka golaha shacabka iyo bad baadintiisa sidaas darteedna uu isku casilay.

Jawaari ayaana is casilaadiisa usoo qaatay tusaalahan  qiso dhacday xilligii Nabi Daauud SCW, taas oo nabiga loo keenay in uu kala xukumo labo haweenay oo isku heystay ilmo yar, kadibna uu nabiga ku yiri waa la idiin kala jarayaa ilmaha, kadibna hooyadii dhabta ahayd ee dhashay ilmahaas ay ka tanaasushay ilmaha. “Intii uu baarlamaanka kala go’i lahaa, aniga ayaa tanaasulay” ayuu yiri Jawaari.

Waxa uu sidoo kale sheegay Jawaari in uu arkay wax u eg awood sheegasho uuna door biday intii dartiis dad u dhiman lahaayeen ama u dhaawacmi lahaayeen in uu xilka isaga tago isna casilo,

”Markii aan arkay wax u eh cudud sheegasho, waxaa si dhaw iigu muuqatay in sii socoshada kala aragti duwanaashaha dhaxdeeda dhaawac la isku garasiiyo ama dhiig ku daato , sidaa darteed ma ogoli mana ogolaan karin in qof dartey dhaawac usoo gaaro” Ayuu Yiri Jawaari.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xildhibaanada in ay cafiyaan isaguna uu cafiyay, waxa uuna kula dar daarmay in la ilaaliyo sharafta uu leeyahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa maanta si rasmi ah Xildhibaanada golaha shacabka ugu cadeeyay in uu xilka iska casilay, waxa uuna Golaha Shacabka ka horjeediyay Khudbad qiiro leh uu ku muteestay sacab fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Waxgaradka Beesha Karanle (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Akhriso: War-murtiyeed Wadajir ah oo laga soo saaray Shirkii saddex geesoodka ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---