Shacabka dalka Lubnaan ayaa ku khasbay ra’iisal wasaarihii dalkaas Sacad Xariiri iyo xukuumadiisa inay iscasilaan, kadib dibed baxyo xoogan oo muudo labo todobaad oo xiriir ah ka socday dalkaasu
Dibed baxyada ayaa yimid markii la kordhiyay canshuuraha qaybo ka mid ah dalka, isla markaana uu Musuqmaasuq hareeyay maamulka dalka kaasoo keenay sicir barar.
Dadwaynaha Lubnaan kama daalin banaanbaxyadooda dhibaato kasta oo ku dhacday waxaana ay ugu danbayntii gaareen hadafkoodii ahaa wax ka badalka Siyaasadda dalkooda.
Banaanbaxayda ayaa curyaamiyey dhamaan adeegyadii bulshada sida waxbarashada, gaadiidka iwm, waxaa xirmay bankiyada dalka, iyadoo shaqaalaha dowlada aysan muddo labo todonaad ah tegin xafiisyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com