Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saakay ka socda baadi goob loogu jiro in nolol iyo geeri lagu helo dadkii lagu waayay doonidii shalay subax ku rogmatay fataahada uu sameeyay Wabiga Shabelle.
Kooxaha gurmadka sameenaya oo adeegsanaya doonyo ayaa baadi goob ugu jira dadka wali nolol iyo geeri lagu la’yahay, waxaana aad u yar rajada laga qabo in dadkaasi badi nolol lagu helo.
Waxaa saakay deegaanka Shabeelow ee duleedka magaalada Baladweyne laga helay Meydka Nin kamid ahaa dadkii doonta la rogmatay oo lagu magacaabayay Shariif Xasan Ganeey, ninkan ayaana kamid ganacsatada Beledweyne.
Doonta shalay ku rogmatay magaalada Baladweyne waxaa ku dhintay dad ay masuuliyiin ku jiraan, waxaana sidoo kale jira dad badan oo laga soo bad baadiyay mashaqada xanuunka badan ee Baladweyne ka dhacday.