Dowlada Finland oo kamid ah dowladaha reer Galbeedka ee sida weyn u taageera dowalada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ku deeqday $ 8.9 milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaalado kala duwan oo Soomaaliya ka jira.
Lacagtan dowlada Finland ugu deeqday Soomaaliya ayaa lasoo marsiinayaa Bangiga Aduunka , waxaana lacagtan Soomaaliya uga faa’iideesan doontaa fulinta mashaariicyo horumarineed iyo kuwa gar gaar.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadad Finland Eric Landberg, ayaa sheegay in dowladiisa ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa $ 8.9 milyan oo Dollar kadib markii ay ku qanceen horumarka balaaran ee dowlada ku sameesay Hay’adaha kala duwan.
“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg.
Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Hague Riedel, ayaa uga mahad celiyay dowlada Finland lacagta Soomaaliya ugu deeqday, waxa uuna xusay in taageeradan dhaqaale wax badan u tareyso dowlada Soomaaliya.
“ Taageerada cusub ee Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Somalia, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu yiri Hague Riedel.
Dowlada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale ka hesha qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana lacagahaasi qaarkood aan loo maamulin sidii loogu tala galay iyadoona lasoo marsiiyo gacmo kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com