Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Sacuudiga iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinto beri u dhoofaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Farmaajo ayaa Sacuudiga uga qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan sidoo kale kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kale.

Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga, waxa uuna Wasiirka ka qeyb galaya shirka horu dhaca ah ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Sacuudiga joogo la kulmi doono qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Jaamacada Carabta, waxa uuna kala hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Warar kale oon heleyno ayaa sheegaya in marka uu shirka dhamaado Dowlada Sacuudiga dhax dhaxaadin ka dhax bilaabi doonto Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo xiriirkooda hada meel xun gaaray.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada DP Worl ugu gudbisay Jaamacada Carabta, waxaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Soomaaliya iyana jaamacada Carabta u gudbisay Dowlada Imaaraatka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo Ukraine u fasaxay hub qiimihiisu gaarayo boqolaal Milyan oo Dollar

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada DF oo walaac ka muujiyey talaabo uu qaaday Booliska

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii Garawe Eedeyna u jeediyay Dowlada Federaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---