Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka qaran oo Maalmahan Socdaal Shaqo ku Marayay dowlad Goboleedyada dalka ayaa galabta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah dowlad Goboleedka Juballand.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Xubnaha guddigan ayaa la filayaa iney masuuliyiinta Jubbaland iyo qeybaha bulshada magaalada Kismaayo, iyagoo kala tashanaya sharciga doorashooyinka ee hor yaalla Baarlamanka.
Guddiga ayaa horey u soo maray inta badan dowlad goboleedyada ka jira dalka, iyagoo wada tashiyo kala soo sameeyey sharciga doorashooyinka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com