Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo Khudbad Xasaasi ah u jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ku kulmaan Xildhibaanada Golaha, waxaana ajandaha kulankan uu noqonayaa hadal jeedinta Gudoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadii labada garab u kala jabnaa ayaa maanta la filayaa in si caadi ah oo xamaasad la’aan ah u tagaan xarunta golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada qaar hadaba bilaabeen in ay sii tagaan xarunta.

Kulanka Golaha shacabka ayaa la filayaa qeybtiisa hore in uu shir gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana Gudoomiyaha is casilay la filayaa in Xildhibaanada ka hor sheego is casilaadiisa.

Jawaari ayaa kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka la filayaa in uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah uu uga hadlayo marxaladihii kala duwanaa uu kusoo shaqeeyay iyo waxa ku kalifay in hada uu is casilo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in 15-maalin gudahood kusoo doortaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana durba xilkaasi isku soo sharaxay Musharxiin dhoor ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad xalay ka dhacay Muqdisho iyo kooxo hubeesan oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Donald Trump iyo saddex kamid ah Carruurtiisa oo Dacwad xasaasi ah lagu soo oogay

Cabdi Cade

Wiil uu Adeer u ahaa masuul katirsanaa Al Shabaab oo isku qarxiyay Baar Sanguuni (Akhriso Magaca)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---