Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddigii doorashada ee uu Magacaabay Shiikh Shaakir oo Gudoomiye iska dhex doortay (Sawirro)

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa iska dhex doortay Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye.

Guddoomiywha Yaasiin Shiikh Muxumed, Ku-xigeen waxaa loo doortay Max’ed Yaxye Faarax, halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Muxiyaddiin Suni sida ku xusan qoraal guddiga ka soo baxay.

Xildhibaannada Baarlamanka Galmudug Qeybta Ahlusuna ayaa maanta ansixiyey guddiga doorashada ee uu magacaabay Shiikh Shaakir

Shalay ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee dowlada Somalia u magacowday doorashada Galmudug ay iyana dhinacooda Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen iska dhex doorteen.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb ayaa sare u sii kaceysa, iyadoo dowlada Somalia ay halkaas geystay ciidamo farfa badan oo ay ka duulisay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan layaab ku tilmaamay Booliis sugi waayay amniga Muqdisho in la geeyo magaalo amaan ah

Cabdi Cade

Afganistan iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo muhiim u ah labada dal

Cabdi Cade

Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu dilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---