Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fiqi: “Haddii Galmudug xabad ka bilaabato waxaa dhabarka u ridanaya Mr. Ma Nabad baa”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa ka digay dagaal dhiig badan uu ku daato oo ka dhaca magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu ku eedeeyey dowlada iney ciidamo fara badan geysay Dhuusamareeb, isagoo xusay iney qaadi doonto masuuliyada wixii halkaas ka dhaca, wuxuuna tilmaamay in rajadii laga qabay in maamul mideysan laga sameeyo Galmudug ay haatan meesha ka sii baxeyso

Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay xildhibaanka ayaa sidan u qornaa:-

Galmudug haddii xabbad ay ka dhacdo oo dhiig ku daato iyo haddii laba maamul ay isku garab dhismaan labadaba waxaa mas’uuliyadeeda dhabarka u ridanaya Mr. Ma Nabad baa?

Ruwaayadii Khayre uu meeshaas tan iyo Juun 2019 ka wadey waxey ku soo gabagabowdey hub uruursi iyo In ciidamadii dhufeysyada Alshabaab laga difaacayo ku jirey In loo daad gureeyo Dhuusamareeb, aaway dib u heshiisiintii, aaway ammaankii, hubkii iyo ciidamadii uu lahaa waa la igu wareejiyey?

Xaalku meesha uu marayo dhinac kasta oo dhaqaaq looga sameeyo waa lagu sii kala fogaanayaa, waxeyna sii fogeynaysaa rajadii laga qabey In xal laga gaaro waxyaalaha muranka dhaliyey, balse wadada kaliya ee furan waa wadahadal ma ahan ciidan aluruursi iyo dhiig daadin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif iyo danjire Alberto Vecchi oo ka wadahadlay saddex qodob (Sawirro)

Caydiid Ali

Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo oo Guranaya Mirihii ay Beerteen! (Maxaa Xigi Doona)

Cabdi Cade

Dowladda iyo Galmudug oo la yimid qorshe dadkii ka qaxay Xarardheere dib loogu soo celinayo (Sawirro)

Cabdi Cade