Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo caro uga baxay xarunta Golaha Wakiilada Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana munaasabada furitaanka kalfadhiga uu maanta ahaa mid ka duwan kuwii hore aadna xamaasad badan u lahaa.

Saciid Deni ayaa markii khudbada furitaanka dhameeyay waxaa su’aalo adag uu qaarkood dhibsaday weediiyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland , waxaana Madaxweyne Deni qarsan waayay carada uu ka qaaday su’aalaha Xildhibaanada weediiyeen.

Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa weediiyay Madaxweynaha waxa kalifay in kalsoonida shacabka ku qabeen maamulka uu hoos u dhacay iyo sababta keentay in cabsi darteed masaajida Puntland looga qanuudo iyo waxa keenay in ay is khilaafaan isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweyne Deni ayaa si caro ka muuqato uga jawaabay su’aalaha uu Xildhibaanka weediiyay, waxa uuna sheegay in uu ishortaag ku sameeyay xildhibaano fara ku tiris ah oo doonayay in ay la wareegaan awooda maamulka .

Saciid Deni ayaa markii uu su’aasha ka jawaabay si deg deg ah fadhiga uga kacay ugana baxay xarunta golaha Wakiilada Puntland, waxa ayna arintaasi xarunta ka dhalisay guux iyo hadal heyn badan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin dulqaadku ku yar yahay aadna u neceb dhaliisha iyo toosinta, waxa ayna shacabka Puntland u arkaan nin aan laheyn kartida hogaanimo marka loo eego hab dhaqankiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Maleeley ee hoostaga degmada Jamaame (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil goor dhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Caydiid Ali

Maqaayadaha Muqdisho oo maalmahan Suuq fiican helay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---