Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal qof oo ku dhintay dayuurad ku burburtay Magaalada Algiers (Daawo Sawirro)

Dadka ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria ayay tiradooda gaartay illaa 257 qof , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

Diyaaradda waxa ay ahayd mid militari, waxayna soo dhacday kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha millitariga ay leeyihiin oo lagu magacaabo Boufarik oo ku yaallo galbeedka magaalada caasimaadda ah ee Algiers.

Weli waxaa socda baaritanno, madaxweynaha Algeria Cabdelcaziz Bouteflika ayaa waxaa uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Inta badan dadka ku dhintay shilkan diyuuradeed ayaa waxay yihiin ciidan millitari iyo qoysaskooda, 10 qof rakaab ahaa ayaa sido kale ku geeriyooday shilka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Mid kamid ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in 26 kamid ah xubnaha taabacsan kooxo gooni-u goosadka inay kamid ahaayeen dadka ku dhintay shilka.

Diyaaraddan Ilyushin Il-76 ayaa waxay kusii jeeday magaalada Bechar koonfur galbeed dalka Aljeriya,Diyaaradda ayaa la qorsheeyay inay ku degto magalaada Tinouf oo ku taallo xadka Morocco iyo deegaanka xadka lagu muransan yahay ee western Sahara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow Sababaha keenay in la baajiyo kulankii maanta yeelan lahaayeen Golaha shacabka

Cabdi Cade

Haweeney labo maalin kaddib guurkeeda noqotay Garoob iyo dhibka ku dhacay !

Cabdi Cade

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa labo kursi oo lagu dooranayo Jowhar oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---