Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo lagu hor dhaariyey Wasiiro uu shalay Magacaabay (Daawo Sawirro)

Wasiirada Cusub ee uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni magacaabay Oktoobar, 21, 2019 ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa dhaarisay Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirada loo dhaariyey masuuliyadda ay u qabteen shacabkooda ayaa kala ah.

1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan

2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed

3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid

4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo dhalaalaan masuuliyadda loo’igmaday ee ay ku dhaarteen inay si daacadnimoleh oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diintu ugu adeegaan shacabkooda, waxaana uu Alle “SWC” uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka ka socda Tigrey oo marxalad kale oo halis ah galay iyo Amxaaro oo Hanjabtay

Cabdi Cade

Jubbaland oo shaki gelisay go’aanka Farmaajo ku wareejinayo doorashada & amniga

Caydiid Ali

Dadka Qurbaha kunool Maxey ka Faa’iidayaan in dagaal ka dhaco Muqdisho ?

admin
Taboola Ads ---