Allbanaadir.com
NEWS

Xubin Golle deegaan uu horey u dhaawacay Gudoomiye degmo oo Geeriyooday

Waxaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh, waxaana masuulkan geeriyooday horey u dhaawacay Gudoomiyaha Degmada Warshiikh.

Dhaawaca Xildhibaankan katirsanaa golaha deegaanka Warshiikh ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay lagula tacaalayay isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho, waxa uuna ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Xasan Xaaji Axmed Darafey ayaa si kam ah bil kahor u dhaawacay Xasan Cali oo saaxiibo ahaayeen xili la barayay sida loo rido biskoolada.

Dhaawaca uu gudoomiyaha u geestay Xildhibaankan katirsan golaha deegaanka Warshiikh ayaa hadal heyn badan horey uga dhalisay Baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxaana xiligaasi dhaawaca Xasan Cali la sheegay in uu ahaa mid aad cusleyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo weerar culus ku qaaday Telaabiib iyo kala carar ka jura

Cabdi Cade

Daawo: Bishaaradii Mucjisada aheyd ee ALLE ugu deeqay Nebi Sakariye CS

Caydiid Ali

Baarlamaanka Hirshabelle oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Guudlaawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---