Maamulka Somaliland ayaa sheegay iney dacwad ka dhan ah dowlada Somalia u gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO.
Somaliland waxay sheegtay in heshiisyo ay kala saxeexdeen xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dowladu Farmaajo ka baxday.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dacwadaasi ay kaga codsadeen in laga noqdo heshiiska Hawada loogu wareejiyey dowlada Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland oo Nairobi jooga uu Qaramada Midoobay u gudbiyey cabashada ay arrintaas.
Biixi ayaa sheegay inaysan ogolaan Karin in Hawadda Somalia laga maamulo Soomaaliya, taasoo uu sheegay iney xad gudub ku noqoneyso madax banaanida Somaliland sida uu yiri.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan u soo rartay magaalada Muqdisho maamulka hawada Soomaaliya oo ay muddo 28 sano ah gacanta ku heysay heyadda ICAO waxaana xariga ka jaray Madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com