Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Trump oo ka laabtay go’aan culus oo uu todobaad ka hor qaatay

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa shaaciyey in la qaaday cuna qabateynadii la saaray Turkiga oo la xiriirtay weerarkii uu ku qaaday degaanada kurdiyiinta ee waqooyi bari Suuriya.

Go’aanka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo

Waxaa uu sheegay Trump in Dowladda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya ”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah” ayuu yiri Trump.

Turkiga ayaa weerarka waqooyiga Suuriya billaabay kaddib marki uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu si lama filaan ah uu ciidamadiisa uu ula baxayo. iyadoo ay ciidamada Mareykanka ay gacan siinayeen xoogagga kurdiyiinta, ee Mareykanka xulafada kula ahaa dagaalkii lagula jiray ururki Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Israel oo shacabka Falastiin ku amartay iney 24 saac uga baxaan Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Khayre oo Qaabilay Wasiirka dowlada Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---