Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

RW Khayre oo qaabilay wafdi Q/Midoobay iyo Midowga (Video+Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa hoggaaminayay wafdiga.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Donlad Trump oo laga duubay Cod sir ah oo Fadeexad ku noqotay

Cabdi Cade

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag magdhaw ah iyo cidda la siinayo oo…

Cabdi Cade

Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---