Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa wareegto uu maanta soo saaray ayuu ku magacaabay labada Madaxweyne kuxigeen uu yeelanayo.
Axmed Madoobe ayaa mar kale soo celiyay labadiisa ku xigeen ee kala ahaa Maxamuud Sayid Aadan uu mar kale u magacaabay Madaweyne kuxigeen 1-aad halka Madaweyne kuxigeenka labaad u magacabaay C/qaadir Xaaji Luga dheere.
Maamulka Jubbaland oo doorasho muran badan hareeysay ay ka dhacday ayeysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid hogaanka maamulkaasi sida Madaxweynaha , kuxigeenadiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mar kale soo wada noqday.
Halkan ka AKhriso Wareegtada Axmed Madoobe