Allbanaadir.com
NEWS

Kayle McCarter oo Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Kiiska Badda kadib safar qarsoodi ah uu ….

Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya Kayle McCarter, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna safiirka kulan gaar ah oo looga hadlay arimo xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ayuu kaga hadlay safiirka arimo la xariira muranka badda ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo sidii labada dal ay murankaasi xal uga gaari lahaayeen.

Kayle McCarter ayaa sheegay inuu Muqdisho tagay lana kulmay madaxweyne Farmaajo , waxa uuna xusay uu kala hadlay in muranka badda lagu dhameeyo wadahadal iyo  in dacwada lasoo saaro maxkamada caalamiga oo hada hortaalo.

Waxa uu sidoo kale safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya sheegay in madaxda Soomaaliya iyo Kenya  ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al Shabaab labada dalba dagaal kawada.

Dowlada federaalka Soomaaliya ma shaacin Socdaalka qarsoodiga ah uu Muqdisho ku yimid safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, sidoo kale dowlada kama aysan hadlin dadaalka dowlada Mareykanka ku bixineyso in muranka badda lagu xaliyo wadahadal.

Dhageysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa markii labaad dib loo dhigay, waxaana jira shaki laga qabo in labada dal ay kiiskan wadahadal ka yeeshaan , Mareykanka ayaana doonaya in labada dal dhax dhaxaadiyo si ay kiiskan badda uga heshiiyaan.

Related posts

Nin kamid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Somalia oo Ra’isul Wasaare noqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Doorashada Qof iyo Cod oo saakay ka bilowday Deegaannada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---