Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow iyo wafdiga uu horkacayo oo maalmahan booqasho shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta kulan la qaatay Prof. Dr. Cumali Kinaci oo ah Madaxa Wakaalada Biyaha ee magaalada Ankara.
Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa kala hadlay Dr. Cumali Kinaci sida Wakaalada Biyaha Ankara ay gacan uga geysan laheyd sidii Biyo nadiif ah loogu heli lahaa shacabka Muqdisho, iyagoo kulankaas isku dhaafsaday talooyin iyo fikrado arintaas la xiriira.
“Waxaa nala soo tusay xarunta Magaalada Ankara ee Biyaha lagu keydiyo, lagu sifeeyo, laguna hubiyo tayadooda” ayuu yiri duqa Muqdisho.
Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la kulmay Dr. Mehmet Güllüoğlu oo ah Madaxa Gurmadka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Turkiga (AFAD).
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii heyadda AFAD ay daraasad ugu sameyn laheyd qaabka ugu haboon ee loo maareyn karo muasiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca Somalia sida abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabaha soo raaca iyadoo kulankaasna uu ku dhamaaday jawi is afagrad leh.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow iyo wafdiga uu horkacayo oo weli ku sugan dalka Turkiga ayaa waxay kulamo la qaateen madax kala duwan oo ka tirsan dowlada wadankaas, iyagoo ka wada hadlay sidii maamulka gobolka Banaadir looga taageeri lahaa arrimo kala duwan oo dan u ah shacabka Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com