Wasaaradda amniga gudaha ayaa war kasoo saartay arrin qabsatay wararka magaalada Muqdisho oo ku saabsan haween cirbado sumeysan u adeegsaday darawladda mooto Bajaajta ee Muqdisho qaarkood.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu sheegay in markii ay baaritaan ku sameysay iyadoo kaashaneysa hey’adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay iney been abuur yihiin arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay inay cirbado sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA.
“Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbiga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaana ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono” ayaa sidoo kale lagu yiri war-Saxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa laga codsaday warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed joojiyaanna baahinta wararka aan salka iyo raadka toona laheyn ee bulshada lagu marin habaabinayo.
War-Saxaafadeedkaan oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka wasaaradda amniga Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay baaq uu u diray dhallinyarada ku xoogsata gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano bajaajka in ay iska ilaaliyaan kuwa ku dhex jira ee magac xumadana u soo jiidaya howlaha ay u hayaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com