Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha gobolada Bari iyo Gardafuu.
Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo Wuxuu Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari, isagoo sidoo kale Muuse Saalax Guuleed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.
Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa soo saaray Wareegto lagu magacaabay Wasiiru dowleyaal iyo wasiiro cusub oo kala ah:
Wasiiru-Dowleyaal:
1-Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) waxaa magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
2-Maxamed Xasan Ciise waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
3-Axmed Shire Siciid Waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
4-Fardowso Cismaan Cigaal Waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasiir Ku-xigeeno :
1-Cabdullaahi Cabdisalaan Waxaa Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
2-Bashiir Jaamac Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
3-Cabdicasiis Maxamuud Macallin Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
4-Sucaad Saalax Nuur Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com