Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)

Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington, waxuu ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.

Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunkaagaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda NetherlandsTalyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmarkxoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka.

Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga HOP#140 oo caawa la shaaciyay

Cabdi Cade

Masuuliyiin loo heysto iney xiriir la lahaayeen Al-shabaab oo la soo taagay Maxkamad

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Hormuud Foundation oo Matoor weyn ugu deeqday Isbitaalka Xaawo Cabdi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---