Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoy ka qeyb galeysay tartan ciyaareed ka socda dalka Australia oo lala’ yahay (Daawo Sawirro)

Illaa Siddeed cayaartoy oo dalka Cameroon uga qayb galayay cayaaraha dalalka barwaaqo-sooranka ee ka socda dalka Australia ayaa la sheegay in la waayay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha kooxda.

Madaxa warbaahinta kooxda Simon Molombe ayaa sheegay in saraakiisha cayaaraha dalka Cameroon ay u arkaan dad la waayay meel ay aadeen ayna ku wargeliyeen booliska waddanka Australia.

Saddex cayaartooy oo ah kuwo miisaanka culus qaada iyo shan feeryahan ayaa la sheegay in markii araggooda dad ugu war dambaysay ay ahayd isniinti iyo Talaadadii.

Dowladda Cameroon waxay sheegtay in kooxda cayaartooyda uu fiisahoodu shaqaynaayo illa 15 bisha May ee sanadkan.

Malombe ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha cayaartoyda oo qaarkood uu sheegay ineysan tartamin.

Waxaa loo malaynayaa iney ka goosteen kooxdii ay ka tirsanaayeen, ayna doonayaan iney iska dhiibaan dalka Australia, iyadoo dhaqanka noocan ah ay caan ku yihiin ciyaartoyda dalalka afrika ee tartamada loogu diro dalalka reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tareen labo cad u kala jaray bas ay la socdeen caruur iskuul fara badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

NISA oo xabsiga dhigtay taliyihii laga soo celiyey Kismaayo & dembi yaab leh oo loo heysto

Caydiid Ali

Sawirro: Meydadka askartii Xawaadle ee lagu laayay Ceelbaraf oo la aasay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---