Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga uu Jawaari khudbada u jeedinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo xal laga gaaray

Waxaa saakay baaqday kulan la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kulankan ayaana ajandihiisu ahaa hadal jeydinta Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Baaqashada kulanka ayaa sabab looga dhigay dood Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha shacabka ka keenay hadal jeydinta Jawaari , waxa uuna Muudey sheegay in aan lagala tashan ajandaha kulanka maanta.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalisay khilaaf ka dhashay hadal jeedinta Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, waxaana lagu qanciyay Muudey in beri kulmaan Xildhibaanada ajandahana uu noqdo hadal jeedinta Jawaari.

Cabdiweli Muudey oo hada ah ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diidanaa in shirka Gudoomiyo Jawaari , waxaana wararka sheegayaan in Jawaari kulanka Golaha shacabka qeybtiisa hore gudoomin doono marka uu khudbada jeediyana howsha la wareegi doono Muudey.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa ku kala qeybsamay mooshinkii laga keenay Jawaari, waxaana wali muuqata in Gudoonka dhaxdiisa laga dareemayo raadadka uu reebay khilaafkii Xildhibaanada golaha shacabka labada garab u kala qeybiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo jawaab adag ka bixisay diidmada DF ka muujisay shidaalka laga baarayo

Caydiid Ali

Ridista Xukuumadii R/W Kheyre oo lagu tilmaamay Shirqool lasoo abaabulay !!

Cabdi Cade

Qaraxyo lagu weeraray guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo cabsi xooggan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---