Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo joojiyey Xoolaha dalal ku yaalla bariga Afrika iyo Somalia oo..

Dowlada Sacuudiga ayaa joojisey xoolaha ay ka soo dhoofsan jireen dalalka Sudan iyo Djibouti.

Joojintan ayaa timid ka dib war kasoo baxay Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha OIE oo sheegay in cudurka Rift Valley fever uu ka dillaacay dalka Sudan.

Wasaaradda Degaanka, Biyaha iyo Beeraha dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in saami laga qaaday xoolo kasoo dhoofay dalka Jabuuti laga helay cudurka sidaa darteedna dib loo celiyey.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Sacuudigu uu malaayiin lo’ ah kasoo dhoofsaday Sudan iyo Jabuuti intii lagu jirey sanadkan Hijriga ah, joojinta kahor.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda, Abdullah Abalkhail, ayaa sheegay inay haystaan suuq kale oo ay xoolo ka soo dhoofsadaan sida dalalka Jordan, Uruguay, Eritrea, Ethiopia, Australia, New Zealand, Pakistan, Georgia, Portugal, Hungary, Kazakhstan iyo Romania, China, Mongolia, Argentine, Brazil iyo Maraykanka.

Soomaaliya ayaa lagu soo darin dalalka xoolahooda la joojiyey iyon kuwo loo weekday intaba taasoo shaki fara badan iyo walaac ku abuureysa ganacsatada Soomaalida ee xoolaha u dhoofsada dalkaas.

Sida uu sheegay Al-Jadani dalalkan ayaan la tartami karin kuwa Afrika marka la eego tirada, tayada iyo sicirka xoolahan oo qaali ah, tayo ahaanna ka liita, marka la eego cimilada ay ku nool yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo baahisay muuqaal ku saabsan dadka Xamaas afduubatay oo Isbitaal la geenayo

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga DF & Ku-simaha Safiirka Mareykanka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay Maamul DF kaga dhawaaqday Gobolka Gedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---