Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Itoobiya oo Jabuuti u tagay xalinta khilaaf ka dhex aloosan Madaxda IGAD

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku sugan dalka Jabuuti waxaana uu halkaas u tagay xallinta khilaaf u dhaxeeya dalalka ku jira urur Goboleedka IGAD kaasoo ka dhashay kulan dhowaan ka dhacay Magaalada Adis ababa.

Waxaa kulankaas lagu go’aamiyay sida loo kala qaadanayo xilalka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha joogtada ah ee IGAD oo uu dhamaaday muddo xileedkoodii.

Inta badan dalalka ku jira IGAD ayaa isku raacay in labada dal ee Kenya iyo Itoobiya oo kala hayay guddoonka iyo Xoghayaha ay isweydaarsadaan labada xil, iyadoo RW Abiy oo hadda haya xilka Guddoomiyaha IGAD lagu wado inuu xilkaas ku wareejiyo Madaxweynaha Kenya, halka sidoo kale Kenya ay ku wareejin doonto Itoobiya xilka xoghayaha guud ee IGAD oo uu hayey Maxbuub Macalin.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa qeyb ahaan ka soo horjeestay arrintaas waxaana ay siiba dowladda Jabuuti ku dooday in guddoonka iyo xoghayuhuba noqdaan wareegto marba dal qabto lana joojiyo in Kenya iyo Itoobiya kaliya isku bedelaan, arintaas ayaana sababtay in Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu u tago dalka Jabuuti si uu Ismaaciil Cumar Geelle ugu qanciyo xil wareejinta lagu wado in bisha soo socota ka dhacdo Magaalada Nairobi.

Somalia oo dooneysa xilka Xoghayaha IGAD ayeysan u suuragalin illaa hadda, waxaana jira in dowladdu aysan qof rasmi ah magacaaban marka laga reebo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/Salaan Hadliye Cumar oo xilkan raadinayey in muddo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal heyn ka dhalatay lacagta lagu kireeyay Diyaarad William Rutu ku tagay Mareyakanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Shiikh oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu duqa Muqdisho ku soo arkay xarumaha Maamulka K/Galbeed ee Baydhabo? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---