Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Imitixaankii ugu yaabka badnaa oo lagu qabtay Machad ku yaalla dalka India (Sawirro)

Maamulka machad ku yaal dalka India ayaa raalligelin bixiyay ka dib markii si weyn baraha bulshada loogu shaaciyay sawirrada ardayda machadkaasi oo kaartoomo madaxa loo geliyay si looga hortago qishka imtixaanka.

Ardaydaasi dhiganaya machadkaasi Bhagat ee ku yaal gobolka Karnataka ayaa sawirada laga qaaday xilli ay sameynayeen imtixaanka Maadada Kimistariga.

Waxaa sawirradani ka muuqanayay arday madaxa loo geliyay kaartoomo hal dhinac oo kaliya loo banneeyay, si aysan imtixaanka u kala qishin.

Mas’uul ka mid ah maamulka machadkaasi ayaa arrintaasi ka hadlay, wuxuuna dhacdadaasi ka raalligeliyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee degmadaasi.

Maamulka iskuulka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay oo uu raalligelin ka bixinayo qaabka aan habbooneyn ee ay isugu dayeen in ay uga hortagaan in ardaydu ay imtixaanka qishaan.

Waxa uu sheegay in ay tijaabinayeen tallaabadaasi looga hortagayo qishka, ka dib markii ay ka war heleen in meelo kale laga isticmaalo, waxaana dhacdadan si weyn u hadal haya dad badan oo ay soo jiidatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka Qarniga Qarsoon ee dhinaca Internetka la isku adeegsanayo !!

Cabdi Cade

Ciidamada Eritrea oo heegan buuxa laga galiyay iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade

Farmaajo oo joojiyey howl burburin ah oo laga bilaabay dugsigii hoyga Xamar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---