Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidankii ka dambeeyey dilka taliye Maxaadey oo xabsi lagu guray & baaritaano socda

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey iney xabsiga dhigeen ciidan ku sugnaa Kontrolka Hotelka Naasa hablood-2 ee Muqdisho kuwaasoo ka dambeeyey dilka Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandoska Ciidanka Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan iyo askari ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in dhammaan la xiray Ciidankii ku sugnaa Kontoroolka uu falku ka dhacay, isla markaana hadda ay ku socdaan baaritaano ku saabsan qaabkii uu shilku u dhacay.

Ciidanka rasaasta furay ayaa ilaalo ka hayay Hotelka Naasa-hablood-2 oo hadda magaciisa loo bedelay Maa’ido, iyadoo sheegay iney ka shakiyeen.

Taliye Maxaadey ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Somalia Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibadiisa waxbarashada u aaday, uguna firfircoonaa ciidanka Xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Ciidamo uu dalbaday Farmaajo oo Muqdisho yimid (Halkee laga keenay?)

Caydiid Ali

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Rag dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi kuyaalla Dhuusomareeb iyo baadigoob socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---