Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Maxaa ka jira in 20 dagaalyahan Al-Shabaab looga dilay duleedka degmada Jalalaqsi?

Ugu yaraan 20 xubnood oo la sheegay iney ka tirsanaayeen Xoogagga Al-Shabaab oo la socday gaari caasi ah ayaa lagu dilay weerar qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamadu uga jawaabayeen dad shacab ah oo Al-shabaab ay ku dileen degaan hoostaga degmada Jalalaqsi.

”Hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qoriga Baasuukaha ah ee wax lagu qarxiyo iyo ilaa 18 qori Ayaan ka furanay dhamaantoodna goobta ayaa lagu dilay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Ma uusan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada weerarkan fuliyay oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha, waxaana uu sheegay iney saxaafada ku casuumayaan goobta lagu laayey kooxda ka tirsan Al-shabaab.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya hadalka Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe, iyadoo Al-shabaabna aysan ka hadlin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qoorqoor oo la kulmay Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin ka soo jeeda Galmudug

Caydiid Ali

Itoobiya oo si adag uga hor timid Go’aan kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay howlgalka ay bilaabeen ciidanka Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---