Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo Shaacisay in si deg deg ah ula wareegeyso Ciidamada Imaaraatka ay tababareen 

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Kumaandooska ay tababareen Dowlada Imaaraatka qeyb ka yihiin ciidanka xooga Soomaaliyeed si deg deg ahna dowlada ula wareegeyso.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa sheegay in ciidamada Imaaraatka Tababareen yihiin ciidamo hoos taga dowlada Soomaaliya kana tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Wasiirka  in Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga si buuxda ula wareegeyso ciidamada tababareen 12-ka April oo ku beegan maalinta aas aaska ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

“Ciidamada la tababaray sida ciidanka lagu tababaro Xerada Jeneraal Gordan Imaaraadka ay tababareen, waa ciidan ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, ciidankaasi numabaradooda ayaa la siin doonaa, mushaarkoodana dowladda Somaliya ayaa siin doonta, dowladda Somaliya xil ayaa ka saaran ciidanka, Mushaarka Imaaraadka ay bixinayeen waqti ayuu ku ekaa, waqtigiina wuu dhamaaday.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya.

Ugu Dambeyn Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowada Imaaraatka Xerada ay ka fureen magaalada Muqdisho kuna tababareen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili uu sii xumaaday xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka , waxaana dhawaan dowlada garoonka Aadan Cadde ku qabatay malaayiin Dollar oo imaaraatka sheegtay in ay mushaar ahaan u siin rabtay ciidamada ay tababareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan Boliiska Gaarka ah ee Ozil Harakat oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la qaatay Andreasvon Vexkull (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga oo Digniin soo saaray

Cabdi Cade