Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo Washington kaga qeyb galay shirka IMF & Bankiga adduunka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tuuladii u dambeysay gobolka Sh/dhexe oo ka baxday gacanta Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso Sheekada Kabihii Layaabka lahaa ee Al Taamburi !!

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---