Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen iska horimaad shalay gelinkii dambe kaa dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Iska horimaadkan ayaa daba socday shaqaaqo kale oo maalmo ka hor ka dhacday degaanka taasoo u dhexeysay ciidamada maamulka degaanka Ceelasha biyaha iyo ciidamo ka tirsan nabad sugida Somalia.
Khilaafka labada dhinac ayaa salka ku haya cida looga dambeynayo amniga degaanka sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil halkaas ku sugan.
Ciidamada nabad sugida ayaa la sheegay iney xoog kula wareegeen saldhiga Booliska iyo baro Kontrol oo halkaas ay ka joogeen ciidamada degaanka, waxaana weli taagan xiisad.
Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa wada isku day lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo, waxaana socda kulamo looga arinsanayo sababta keentay khilaafka gacan ka hadalka isu bedelay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com