Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo amaan fara badan huwiyey dhigiisa Turkiga iyo sababta keentay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amaan kala dul dhacay dhigiisa Turkiga Erdogan ka dib markii uu ogolaaday heshiis xabad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo duulaanka turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Turkiga ee woqooyiga Siiriya.

Trump ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid badbaadineysa nolosha kumanaan qof oo ku nool woqooyiga Siiriya, ayna guul tahay Maraykanka.

“Erdogan waa nin fiican oo rag ah waana saaxiibkey, talaabada uu qaadayna waa mid mudan in looga mahad celiyo” ayuu yiri Trump oo ka hadlay isu soo baxay ka dhacay gobolka Texas.

Hase ahaatee dowlada Turkiga ayaa sheegtay ineysan jirin wax xabad joojjn ah oo laga gaaray weerarka turkigu ku qaaday woqooyiga Siiriya.

“Kaliya waxaan 120 saacadood hakinaynaa howlgalka aan ka wadno woqooyiga Siiriya ee ma jirto xabad joojin la gaaray si kooxaha kurdiyiinta ay halkaas uga baxaan xoogagooda, heshiis xabad joojin ahna waxaa gaari kara labo dhinac oo sharci ah” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado uu dhiig ku daatay oo Maalintii 2aad ka socda Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo Jigjiga ku dhax maray Odayaal iyo Saraakiil Milatari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---