Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo amar siiyey labada Gudoomiye degmo ee Kaaraan & Yaaqshiid (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar) ayaa maanta kormeeray isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan halkaasoo ah meel ay biyuha fadhiistan xili roobaadka.

Kormeerka Cumar Filish ayaa yimid ka dib cabasho ka soo yeertay shacabka ku dhaqan nawaaxiga degaanka Fagax taasoo ku aadan biyaha halkaas fadhiya oo ay sheegeen iney ka dhalan karaan cuduro kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa faray labada Gudoomiye Kaaraan iyo Yaaqahiid in wadadan sida ugu dhaqsiyaha badan laga bixiyo biyaha si ay u fududaato isku socodka Bulshada.

Labada Gudoomiye oo fulinaya Amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay bilaabeen inay ka shaqa bilaabaan Wadadan oo sidoo kale ah wada halbowle u ah shacabka iyo Gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muuse Biixi oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto cafis loogu fidiyey..

Caydiid Ali

Ciidamada Milatariga oo caawa la wareegay xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale

Cabdi Cade

Tahriibayaal Soomaali ah oo u badan Gabdho oo ku dhintay Badda Gariiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---