Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga oo xanibay hub Nuclear ah oo Maraykanku dhigtay Saldhig ku yaalla dalkooda

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in 50 madax oo gantaalada Nuclearka Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas.

Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga ku boorsisay inay joojiso duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta, oo haddii ay ka dhaga adeegtana ay burburin doonta dhaqaalaha Turkiga.

Warar ayaa sheegaya in markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirka labada dal ay keentay in Mareykanka uu ka fikiro waxa laga yeelayo hubka Nuclearka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta ayaa maalmo ka hor ka shiray waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyuklerka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu qoray Wargeyska The New York Times

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis dan u ah Dalkeenna (Sawirro)

Cabdi Cade

Dayax Madoobaad saacadaha soo socda laga arkayo meelo ka mid ah caalamka

Caydiid Ali

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---