Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhegeysiga dacwada badda Somalia & Kenya

Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa waxay galabta iclaamisay xili cusub oo loo soo qabtay dhegeysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya.

War ka soo baxay Maxkamada ayaa go’aamisey in dhegeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigay 8-12-ka bisha Juun ee sanadka 2020.

Maxkamada ayaa sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhegeysiga maxkamada xiliga cusub ee loo qabtay, iyadoo intaas ku dartay in go’aankan u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe aan dib loo dhigi doonin.

Ku-Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu oggoshahay go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Waa markii labaad ee Maxkamadu ay dib u dhigto dhegeysiga kiiskan waxayna ugu dejisay dhageysiga dacwadda 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Kenya ayaa mar kale cadaadis ku saartay Maxkamada in muddo sanad ah dib loogu dhigo dacwada taasoo ku soo beegmeysa xili doorashooyin laga qaban-qaabinayo Somalia, balse Maxkamada ayaa u muuqata iney qaadatay go’aan aaney ku farxin Soomaalida inteeda badan,  iyadoo mar kale dib u dhigtay muddo todobo bilood kama badan.

Kenya ayaa ka caga jiideysa in kiiskan ay dhameyso Maxkamada, iyadoo dooneysa in Somalia ay la gasho wada xaajood, waxaana arintaas ku gacan seyray dowlada Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeysatay inaan lagu kala bixi doonin meel aan maxkamada aheyn

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khaad laga soo dhoofin rabay Kenya oo la joojiyay iyo Ganacsato ku khasaartay

Cabdi Cade

Dagaalka Daacish ee Puntland iyo sida kooxdan looga adkaay dagaalladii hore

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika iyo Soomaali badan oo ka naxday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---