Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Degmo oo saakay lasoo taagay Maxkamada ciidamada (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) .

Gudoomiyihii hore ee Maxaas iyo nin kale oo lagu magacaabo  Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa kasoo hormuuqday maxkamada iyagoo loo heysto eedeymo la xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas.

Labadan nin ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug lahaayeen qarax lagu dilay Cabdi Rashid Cusmaan Carab oo ahaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee  degmada Maxaas , waxaana dilkan uu dhacay  19-kii bishii April ee sanadkan 2019-ka.

Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada ayaana kusoo eedeeyay labadan nin ee maxkamada kasoo hor muuqday in ay wax ka maleegeen qaraxa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaana la filayaa hadii ay dambiga ku hesho Gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo ninka kale ee la eedeesan in ay ku rido xukuno adag .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni iyo Ben Fender oo kulan gaar ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maraykanka & Britain oo balan-qaad u sameeyey Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali

Ardayda Soomaalida ee Sudan oo baaq cabasho ah u diray dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---